Ciidamada Ruushka oo iska caabin xoogan kala kulmaya Severodonetsk

Inkastoo Ciidamada Ruushka ay 31-kii bishii May la wareegeen inta badan magaalada istiraatiijiga ah ee Severodonetsk ee Gobolka Luhansk ayaa waxay haddana tan iyo Jimichii ay iska caabin xoogan kala kulmayeen Ciidamada Ukraine ee ku harsan qaybo ka mida magaaladaasi.

Magaalada ayaa ah midda ugu weyn Gobolka Luhansk, waana tan keliya ay Ciidamada Ukraine kaga sugan yihiin guud ahaanba gobolkaasi oo dhaca bariga Ukraine.

Serhiy Haidai, Gudoomiyaha Gobolka Luhansk ayaa sheegay in dagaalku uu ka socdo wadooyinka magaalada, ayna xoogagooda isku dayayaan inay dib u riixaan oo ay u caabiyaan Militariga Ruushka.

Waxa kaloo uu sheegay in ciidamadooda ay haatan goobo muhiim ah ka haystaan magaalada, welina ay u jilbo u dhiganayaan duulaanka hubeysan ee Moscow.

Gudoomiyaha ayaa dhanka kale waxa uu Ciidamada Ruushka ku eedeeyay inay qarxinayaan buundooyinka ku yaala webiga dhanka galbeed ka mara ee Siverskyi Donets.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in yoolka Ruushku uu yahay in Ciidamada Ukraine iyo xoogaga kale ee wax iska caabintu aanay u adeegsan buundooyinkaasi, waana xilli uu qiray in Ciidamada Ruushka ay ka arriminayaan magaalada boqolkiiba toddobaatan (70%).

Moscow ayaa u muuqato inay sii wadi doonto gulufkeeda ballaaran ee ka socdo bariga dalka Ukraine, illaa iyo inta ay si buuxdo ugala wareegeyso.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com