Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kormeeray Xaruntii hore Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa soo indha indheeyay qaybaha xaruntaasi, isagoona sheegay in dib u dhis lagu samayn doono, laguna soo kordhin doono machad aqoon kororsi ah.
“Gudoomiyaha ayaa guud ahaan kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha weyn ee Xarunta Golaha Shacabka, waxaana uu horey u ballanqaaday in dib u dhis ballaaran uu ku samayn doono mustaqbalka dhow, isagoo sidoo kalena sheegay in dhismaha lagu soo kordhin doono qayb machad aqoon kororsi.” Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com