Ex Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay ololaha guriga loogu dhisayo

Agaasimihii hore Warfaafinta ee Madaxtooyada Somaliya, Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu aqbalay ololaha ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhisayaan guriga.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay in fekradda gurigan looga dhisayo Magaalada Muqdisho ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, si loogu abaalmariyo sida uu yiri Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda.

“Runtii fekradani waxay ka timid bulshada Soomaaliyeed, waa fekrad shacbi ah oo loogu magac-daray (Mahadsanid Madaxweyne), halheys ah la siiyay, si loogu mahadceliyo, isla-markaana lagu abaalmariyo Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.” Ayuu yiri Cabdirashiid Maxamed oo Universaltv la hadlay.

Cabdirashiid Maxamed ayaa yiri “Bulshada Soomaaliyeed waxay garteen muddadii uu Madaxweynuhu talinayay in uu aad iyo aad ugu ilaaliyay ammaanadii qaran ee loo dhiibtay.”

Waxa kaloo uu sheegay in wejiga hore ee ololaha lacagta loogu uruurinayo dhismaha gurigan uu socon doono muddo bil ah.

Farmaajo ayaa looga adkaaday tartankii doorashada madaxtinimada dalka ee 15-kii bishii hore ee May ka dhacday Magaalada Muqdisho, iyadoona uu xafiiska wareejiyay 23-kii bishaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com