Haweeney meydkeeda laga soo saaray suuli lagu dhex riday, gudaha Baydhabo

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Amina Maxamuud ayaa galabta meydkeeda laga soo saaray suuli ku yaala xaafad ka tirsan Magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay, ka dib baaritaan socday maalmihii la soo dhaafay oo haweeneydaasi la weysanaa.

Ciidamada Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa ku guuleystay in meydka Allaha u naxariistee Amina Maxamuud ay ka soo saaraan boosaneer uu ku riday ninkii dilay, waxaana la soo bandhigay sawirrada meydka marxuumadda.

Ninka dilay haweeneydaasi ayaa la sheegay inay ku laheyd dayn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u sheegay inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin dayntii ay ku laheyd.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, ka dibna wuxuu ku riday suuliga, sidaas ayaana saddex cisho lagu weysanaa raq iyo ruuxba.

Baaritaan dheer ka dib waxaa la sheegay in ninkii watay bajaajta qaaday Amina ee gaysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskan oo la helo meydkeeda, lana soo qabto ninka lagu eedeynayo dilkeeda.

Dhacdadan ayaa noqotay midda loogu hadalhaynta badan yahay Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com