Jarmalka oo duulaanka Ruushka ee Ukraine ka dhex arkay fursad uu dib ugu dhiso militarigiisa

Jarmalka oo ka faa’iideysanaya duulaanka Ruushka ee dalka Ukraine ayaa bilaabay qorshe uu dib ugu xoojinayo militarigiisa, ka dib dagaalkii 2aad ee adduunka.

Baarlamaanka Jarmalka ayaa ansixiyay boqol bilyan oo Euro oo loogu talagalay sanduuqa gaarka ah ee difaaca dalkaasi, tani oo horey uu ugu dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Olaf Scholz.

Meelmarinta lacagtan ayaa bilow u noqon doonto barnaamijka ay Berlin dib ugu dhiseyso militarigeeda, dhowrka sano ee soo socda. Tobanaankii sano ee la soo dhaafay Jarmalka ayaynaan ahmiyadda 1aad u ahayn militariga, haddase waxa uu noqonaya dalka saddexaad dunida ee dhaqaalaha ugu badan ku bixiya difaaciisa, marka laga soo taggo Mareykanka iyo Shiinaha.

Xisbiyada dalka Jarmalka ayaa soo dhaweeyay barnaamijka ay xukuumadda dalkaasi dib ugu xoojineyso difaaceeda, oo ay u arkaan fursad xilligeeda ku soo beegantay oo ay tahay inaanan la iska lumin.

Dunida ayaa muddo dheer Jarmalka ka hortaagneyd inuu dib u habayn iyo xoojinba ku sameeyo militarigiisa, sababo ku aaddan haddii uu lahaa sababta dagaalkii 1aad iyo midkii 2aad ee adduunka, cabsina laga qabay in awooddii Jarmalka ay dib u soo laabato.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ruushka ayaa Jarmalka ku eedeysay inuu dib u soo celinayo awoodiisii militari ee la xadiday.

Wadamada Midowga Yurub qaarkood ayaa kordhinaya miisaaniyadda difaacooda, ka dib markii Moscow ay fara-gelisay Ukraine.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com