Aadan Madoobe oo Safiirka Emirate-ka kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Emirate-ka Carabta ee dalka, Mohamed Ahmed Al-Othman.

“Kulankooda waxaa uu ku sabsanaa adkeynta iyo soo celinta xiriirka walaltinimo ee labada dal.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.”

Warka ayaa lagu yiri “Safiirka Dowladda Emirate-ka ayaa xusay in dowladoodu ay diyaar u tahay in Golaha Shacabka JFS ay kala shaqeeyaan tayeynta iyo horumarinta shaqaalaha.”

Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay taageerada ay Dowladda Emirate-ka Carabta u hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoona bidhaamiyay in la xoojin doono xiriirka Baarlamaanka Somaliya iyo kan dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com