Danjiraha Shiinaha oo ballanqaad u sameeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Ergeyga Gaarka ee Arrimaha Bani’aadanimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa la kulmay Safiirka Dowladda Shiinaha ee dalka, FEI Shengchao.

Ergeyga iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay, sida Dowladda China ay qayb kaga qaadan laheyd gurmadka ay sida degdegga ah ugu baahan yihiin malaayiinta Soomaaliyeed ee abaaraha daran aafeeyeen iyo ka wada shaqeynta, sidii looga hor taggi lahaa in xaaladdu isku badeshu macluul.

Danjire FEI Shengchao ayaa Ergeyga u ballanqaaday wada shaqayn buuxda iyo in dowladdiisu u istaagi doonto, dardargelinta wax ka qabashada abaaraha, si loo samatabixiyo dadka gargaarka u baahan ee abaaruhu waxyeeleeyeen.

Ugu dambayn, Ergeyga ayaa ka mahadceliyay xiriirka qaddiimiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, kaasoo ah midka ugu waqtiga dheer ee dal ku yaala Afrikada Bari la leeyahay Shiinaha.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com