Hormuud Salaam Foundation oo $100,000 ugu deeqday dadkii ku hanti beelay Suuqa Banaadir

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa $100,000 ugu deeqday dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay Suuqa Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga iyo Culimada Masjidka Abii Hureyra ee Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa bilaabay u gurmashada dadkii hantidooda ay ku burburtay dabkii dhawaan ka kacay Suuqa Banaadir, kaasi oo baabi’iyay goobo ganacsi oo aad u badan.

Culimada ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha waxa ay la wadaageen khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dabkaasi oo hantidii ku baaba’day lagu qiyaasay ku dhawaad 9 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Sheekh Axmed Maxamuud Maxamed Yare, Gudoomiyaha Guddiga iyo Culimada Masjidka Abii Hureyra oo ugu horayn ka hadlay barnaamijkan dhaqaalaha loogu uruurinayo dadkaasi ayaa ugu baaqay dhammaan shirkadaha ganacsiga iyo ganacsatada kale in ay ka qayb qaataan tabarucaan.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa lacag gaaraysa $100,000 waxa ay ugu deeqday ganacsatadii hantidooda ay ku baaba’day dabkii Suuqa Banaadir.

Qaar ka mid ah Culima’udiinka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo inta Ilaahay wax siiyay inay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkan, iyagoona Shirkadda Hormuud Telecom ugu duceeyay in Ilaahay uu xoolahooda u barakeeyo.

Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi, Gudoomiye Kuxigeenka Hay’adda Hormuud Salam Foundation oo faahfaahin ka bixinayay lacagtan ayaa sheegay in ay qayb ka tahay barnaamijyada Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay ku caawinayso dadka Soomaaliyeed, ee ay la soo gudboonaadaan xaaladaha adag.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa door weyn ka qaadata howlaha loogu gurmanayo dadka u baahan in la garab istaago, iyadoona lagu xusuusto kaalintii muuqatay ee ay ka qaadatay gurmadka abaaraha baahsan ee isu daba maray Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com