Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa in uu Caasimadda Muqdisho kaga qaybgalo caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida uu qorshuhu yahay caleema saarka Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa ka dhci doono aagga Garoonka Aadan Cadde.
Wafuud heer caalami ah ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com