Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray Taliska Ciidanka Xoogga (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeer shaqo ku tegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in dowladdu ay xoogga saari doonto hawlgalada dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Madaxweynaha oo ugu horayn salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu kormeeray xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo warbixinno ka dhageystay Hoggaannada Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah Saraakiisha iyo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyay sida naf-hurnimada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu la wadaagay ciidamada sida ay dowladda uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisii ugu horreeyay ku tegay Wasaaradda Gaashaandhigga, kadib dib u doorashadiisa ayaa u kuurgalay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyay sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com