Maxkamadda Gobolka Baay ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xasan Maxamed (Goomey), ka dib markii lagu helay inuu dilay haweeney lagu magacaabi jiray Amina Maxamuud Malaaq Isaaq.
Dilka ayaa Jimichii ka dhacay hoyga uu ninkaasi ka deganaa xaafadda Buulo Jameeco ee Magaalada Baydhabo, ka gadaal markii uu u sheegay inay hoygiisa ugu timaado, si uu ugu wareejiyo gurigaasi, sababo ku aaddan isagoo ku andacooday inaanu bixin karin lacag ay haweeneydaasi ku laheyd, lacagta bedelkeedana uu gurigiisa ku wareejin doono. Meydka haweeneydan ayaana Axaddii la soo dhaafay laga helay suuliga gurigaasi.
Xeer Ilaalinta ayaa ninkaasi ku eedeysay inuu gaystay dil naxariis darro ah, iyadoona Garsooraha Maxkamadda ka codsatay inay xukun dil ah ku xukunto.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Baay, Sheekh Cumar Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in Maxkamaddu ay ninkaasi ku xukuntay xukun dil toogasho, oo ah qisaastii marxuumad Amina Maxamuud Malaaq.
Goomey ayaa isla maanta lagu toogtay fagaare ku yaala Magaalada Baydhabo, oo dadweyne fara-badan ay isugu soo baxeen.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com