Wafuud ku ku qulquleysa Magaalada Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socdo diyaargarowgii ugu dambeeyay ee munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha cusub ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inay berrito ka qabsoomto aagga Garoonka Aadan Cadde.

Magaalada ayaa waxaa tan iyo shalay soo gaarayay wafuud horudhac ah oo ka kala socda dalalka Afrika iyo wakiilo ka socda hay’adaha caalamiga, kuwaa oo u gogol xaaraya madaxda dalalkooda ee ka qaybgelaya munaasabadaasi.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in maanta mashquul badan laga dareemay Garoonka Aadan Cadde, isla-markaana ay diyaaraduhu iska daba imaanayeen.

Ciidamada Dowladda ayaa si weyn u adkeeyay amniga xeendaabka Garoonka Aadan Cadde, iyadoona la filayo in Khamiisto bandow lagu soo roggo qaybo ka mida magaalada.

Ciidamada ayaa barro kontorool oo dhinaca amniga ah ku soo kordhiyay magaalada, waxaana jira hawlgalo amniga xaqiijin ah oo ay ka sameeyeen xaafadaha magaalada qaarkood.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay inay dhankooda u diyaargaroobeen sugidda amniga ee Caasimadda Muqdisho.

“Waxaa nagu soo kordhaya wafuud aan ahayn dalkayaga inay soo booqan doonaan dalka, si dalkayaga loogu arko inuu yahay dal dimoqraadiyadda iyo horumarka amniba ku tallaabsaday ayaan haddana rabnaa quruxda iyo bidhaaminta amniga Magaalada Muqdisho in la kordhiyo, taasaana keentay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed heegan kasta oo ka tirsan inuu si iskiis ah isku abaabulo, dabadeedna laga shaqeeyo ammaanka.” Ayuu yiri Afhayeenka oo BBC la hadlay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ayaa berrito xiri doono wadooyinka magaalada qaybtood, taasoo ayna dadweynuhu culeyskeedu dareemi doonaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com