Madaxweynaha Kenya oo mar kale wada shaqayn dhab ah ugu baaqay dhiggiisa Somaliya

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo maanta khudbad dheer ka jeediyay munaasabadda caleema saarka ee Madaxweynaha cusub ee Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo mudnaan u leh labada dal.

“Mudane Madaxweyne reer Kenya waxay doonayaan inay sii xoojiyaan oo xiriir dhow yeeshaan labadeena dal, deris wanaag iyo iskaashi dhaqaale, oo danta xasilloonida gobolka ah iyo midda labadayada dal.” Ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha ayaa yiri “Runtii Kenya waxa ay aqoonsan tahay in xasilloonideeda iyo kobaceeda dhaqaale ay ku xiran yihiin xasilloonida iyo kobaca dhaqaale ee Somaliya iyo gobolkaba oo u soo kordho. Mudane Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo nabad iyo barwaaqo ah waa riyada qof kasta oo Kenyan ah. Walaalihiina Kenya waxay si weyn u daneynayaan inay idiin la shaqeeyaan, si aan dhammaanteenu uga faa’iideysano dhaqaale ahaan, una gaarno barwaaqo wadajir ah.”

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri “Anigu shakhsi ahaan waxaan idiin ka rajeynayaa inaan idiin kala shaqeeyo, sidii aad meesha uga saari laheydeen wax kastoo caqabad ku ah ganacsiga, iskuna furno xuduudeena iyo inaanu sameyno isku xir laba dal ah, kaasoo ay labadeena dad isugu soo dhawaanayaan.”

Madaxweyne Kenyatta ayaa tilmaamay inay si wanaagsan u soo wada shaqeeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, intii uu ahaa Madaxweynaha 8aad ee Jamhuuriyadda Somaliya. haddana uu ku kalsoon yahay in mar kale ay si wadajira u wada shaqayn doonaan.

“Waxaan rabaa inaan kaaga mahadceliyo fursaddii aan u helay inaan kugu la shaqeeyo dadaaladaada nabadda iyo amniga deegaanka, waxaana ku kalsoonahay inaan si wadajira u wada shaqayn doono, oo aan ku guuleysan doono inaan gaarno hamigeenii ahaa inaanu helno Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya oo nabad ah, barwaaqana ah. Kenya oo nabad & barwaaqo ah iyo gobolka oo nabad iyo barwaaqo ah.” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta, Madaxweynaha Kenya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com