Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo wada shaqayn u ballanqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka mid ahaa madaxdii maanta ka qaybgashay munaasabadda caleema saarka ee Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, laguna maamuusay inay goobta ka hadlaan ayaa ballanqaaday inuu si dhow ula shaqayn doono Madaxweynaha cusub ee dalka.

“Maanta waxaan halkan u taaganahay inaan kuu sheego taageerada Itoobiya. Itoobiya waxay kugu garab taagan tahay dib u dhiska Somaliya, waana hubaa inaad ku guuleysan doonto.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya.

Waxa kaloo uu yiri “Mudane Madaxweyne aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko hannaanka awood kala wareegidda ee Somaliya, iyadoo korjoogtayaasha ay aad u xaqiijinayaan in aan awoodda la isku wareejin karin doorasho la’aan, haddii ay ahaan laheyd Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadaba. Si kastaba ha-ahaatee taasi macnaheedu ma ahan inaysan doorasho dhici karin, iyadoo aan gadaal laga riixeynin.”

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo mararka qaar afka Soomaaliga ku hadlayay ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee la doortay.

“Hambalyo, hambalyo Mudane Madaxweyne, waxaan kuu rajeynayaa in Ilaahay xilka kugu asturo, waxaana u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa intaasi raaciyay “Waxaa inaga go’an inaan sii xoojino iskaashiga labada dal ee walaalaha ah. Somaliya hanoolaato, Itoobiya hanoolaato, waad mahadsan tihiin.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com