Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji Xasan ayaa xilka ka qaaday Gudoomiyihii Degmada Afgooye, isagoo mid kalena magacaabay.
Wasiirka ayaa wareegto ku soo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cismaan Hiraabe inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Degmada Afgooye, isaga oo bedelaya Gudoomiyihii hore ee degmadaasi, Abuukar Maxamed Cumar Muudey.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Maxaad Maxamed Ciise ayaa 2-dii bishan shaqo joojin ku sameeyay Abuukar Muudey, ka dib markii uu ku eedeeyay amar diido.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com