Howlihii Garoonka Damascus oo hakadgalay, ka dib weerarkii Israel

Dowladda Syria ayaa maanta hakisay dhammaan howlihii shaqo ee Garoonka Diyaaradaha Damascus, ka dib weerar dhinaca cirka ah oo Israel ay Jimcihii ka gaysatay garoonkaasi.

Wakaaladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in duqayntaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan.

Wasaaradda Gaadiidka Syria ayaa bayaan ay soo saartay Sabtidii ku sheegtay in Runway-ga Garoonku uu burbur ka soo gaaray duqayntaasi.

“Duulimaadyadii imaanayay iyo kuwii kale ee ka safrayay garoonka ayaa la hakiyay maanta illaa amar dambe, taas oo ka dhalatay gardarada Israel.” Ayaa lagu sheegay bayaanka.

Garoonka Caalamiga ah ee Damascus ayaa ku yaala Koonfurta Magaalada Caasimadda ah ee Damascus, halkaasoo la fahamsan yahay inay galaangal badan ku leeyihiin xoogaga ay Iran taageerto, ayna ku leeyihiin bakhaaro hub.

Ciidanka Cirka Israel ayaa tan iyo sanadkii hore ee 2021 waxa ay hawlgalo ka fulinayeen aagga garoonkaasi. Israel ayaana boqolaal weerar ka fulisay gudaha dalka ay deriska yihiin ee Syria, tan iyo intii uu dagaalku ka bilowday dalkaasi, sanadkii 2011.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com