Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa maanta booqasho aan la sii shaacin ku tegtay Magaalada Caasimadda ah ee Kiev, iyadoona kula kulantay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy.
Haweeneydan ayaa Madaxweynaha Ukraine kala hadleysa soo jeedintooda ku aaddan ku biirista amaba ka mid noqoshada Midowga Yurub.
Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in iyada iyo Madaxweynaha dalkaasi ay sidoo kale ka wada hadli doonaan dib u dhiska dalkaasi.
Dowladda Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa ku biiristeeda Midowga Yurub waxa ay u aragtaa hab wax looga qabanayo, laguna hagaajinayo ammaanka, iyadoona Xukuumadda Kiev ay muddooyinkii ugu dambeysay dalbaneysay in loo ogolaado ka mid noqoshadeeda Midowga Yurub.
Khubarada ayaa sheegaya in geeddiga socodkan uu qaadan karo muddo dhowr sano ah.
27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayay tahay inay Ukraine u ogolaadaan musharaxnimadeeda ay xubinta kaga noqon karto ururkaasi.
Madaxweyne Zelenskyy ayaa Midowga Yurub ku cadaadinayay in si degdeg ahi dalkiisa loogu ogolaado inuu xubin rasmi ah ka noqdo Midowga Yurub, si Ukraine kaga gudubto nuglaanshaha juqraaci ahaaneed, ka dib duulaankii Ruushka ee bilowday 24-kii bishii February ee sanadkan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com