Madaxweynaha oo Villa Somalia ku qaabilay ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, isagoona kala hadlay kaalintooda ku aaddan gurmadka abaaraha dalka.

Madaxweynaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay in ay doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga dalka iyo hirgelinta barnaamijka shaqo abuur qaran, ee uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhawaaqay, isagoona uga mahadceliyay dadaalada ay ku bixiyeen adkeynta dowladnimada.

Ganacsatadan oo Magaalada Muqdisho u yimid ka qaybgalka caleema saarka Madaxweynaha 10aad ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay, waxa ayna ballanqaadeen in ay kaalin wanaagsan ka qaadanayaan gurmadka abaaraha dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com