Madaxweyne Xasan Sheekh “Soomaalidu in ay dunida la heshiiso waxa ka horeysa in ay iyadu heshiiso”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaasoo lagu hirgelinayo barnaamijkiisa ah ‘Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah’.

Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay in Soomaalida ay dunida la heshiiso ay ka horeyso, marka hore inay dhexdeeda heshiiso.

“Soomaalidu in ay dunida la heshiiso waxa ka horeysa in ay iyadu isla heshiiso. Kulanka aan maanta la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada waa tallaabada koowaad ee heshiiskaas lagu baadigoobayo Soomaali heshiis ah oo wada jirta ee aan kala jirin.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay qoraal uu goor dhow ku daabacay bartiisa Facebook.

Madaxweynaha ayaa yiri “Is riixriixa siyaasadeed ee marar badan dano gaar ahi hoggaaminayaan, waxa inagaga lumay inay Soomaali yeelato wax weyn oo ay wada ilaashato ama wada raadsato.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa qoraalka ku sheegay “Waxa aan rajaynayaa in kulankani waddada u xaari doono, bulsho iyo hoggaan dan wadaag ah.”

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in muddo laba cisho ahi uu ka socdo Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com