Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ayuu maanta shir uga furmay Magaalada Muqdisho, kaasoo socon doono muddo laba maalmood ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.

Shirkan ayaa ku qotoma siyaasadda Madaxweynaha ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, waxaana diiradda lagu saarayaa qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda oo ay ugu horreyso xoojinta wada shaqaynta Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed iyo dib u heshiisiinta.

Madaxda Dowladda Federaalka Somaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa shirkan ku faaqidi doona dhameystirka dastuurka, xoojinta nidaamka federaalka, adkeynta amniga dalka, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirkan waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com