Ergeyga Gaarka ee Arrimaha Bani’aadanimada iyo Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Victoria Nuland oo booqasho ku timid Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo looga hadlayay gurmadka abaaraha iyo badqabka cunto ee dadku abaarta saameysay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Mareykanka u fadhiya Somaliya, Larry André, Madaxa Hay’adda USAID, Kuxigeenka Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan gargaarka bani’aadanimada iyo Madaxda Hay’adaha WFP, UNICEF & FAO.
Kulanka ayaa la isku weydaarsaday xog iyo tallooyin ku aaddan, sidii degdeg wax looga qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen, loona heli lahaa gurmad iyo taageero caalami ah.
Ugu dambayn, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa uga mahadceliyey Dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, waxa uu sidoo kale Ergeygu ballanqaaday in Dowladda Somaliya ay daddaal kasta ku bixinayso, sidii loo gargaari lahaa dadka abaaruhu ku dhufteen iyo in la fududeynayo howlaha gurmadka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com