Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen Gobolka Hiiraan waxa ay ku burburiyeen goob ay Shabaabku canshuuraha ku qaadi jireen.
Hawlgalka oo laga fuliyay deegaanka Qabdho ee duleedka Degmada Matabaan ayaa lagu dilay toban ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, sida ay ku warantay Warbaahinta Dowladda.
“Ciidanka Xoogga ayaa argagixisada ka dilay ku dhawaad 10 maleeshiyaad ah, iyagoo burburiyay bartii ay shacabka kaga qaadayeen lacagaha baadda ah.” Ayay ku warantay SONNA.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in ujeedka hawlgalku ahaa, sidii looga hortaggi lahaa dhagarta argagixisada, shacabkana looga dul qaadi lahaa dhibaatada ay ku hayaan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com