Madaxweynaha oo la kulmay Safiirada Somaliya u fadhiya wadamada caalamka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Danjireyaasha Somaliya u fadhiya dalalka caalamka, isagoo ku adkeeyey in ay sida ugu wanaagsan ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay metelaan.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha warbixin ka siiyay xaaladaha ay ku shaqeeyaan Safaaradaha Somaliya ee dibadda iyo jaaliyadaheenna ku dhaqan daafaha caalamka, waxayna xoojiyeen hiigsiga Madaxweynaha ee ku aaddan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda, Balal Maxamed Cismaan iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maxamed Cali Nuur.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com