Madaxweynaha Somaliya oo Madaxtooyada ku qaabilay Victoria Nuland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay wafdi ay hoggaamineyso Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Victoria Nuland oo booqasho ku timid Magaalada Muqdisho oo maanta booqasho ku timid Magaalada Muqdisho, uuna wehliyo Danjiraha Mareykanka ee dalka, Larry André.

Madaxweynaha iyo Victoria Nuland ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii amba-qaadidda taageerada Dowladda Mareykanka ay siiso Somaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaalanka argagixisada.

Victoria Nuland oo ugu horreyn Madaxweynaha ugu hambalyeysay xilka loo doortay ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ee labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyay Dowladda Mareykanka taageerada joogtada ah, ee ay ku bixiyaan Somaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, isagoo tilmaamay in Dowladda Federaalka Somaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, dayn-cafinta iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com