Nabadoon Warsame Aw Ismaaciil Cabdi oo lagu dilay Muqdisho

Alle ha u naxariistee Nabadoon Warsame Aw Ismaaciil Cabdi oo ka mid ahaa waxgaradka Galmudug ayaa saaka lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa nabadoonka ku dilay inta u dhaxeyso Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea, sida ay eheladiisa inoo xaqiijiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in raggaasi ay dilka ka dib ka baxsadeen goobtaasi, oo daqiiqo ka dib ay gaareen ciidamada amniga.

Warsame Aw Ismaaciil ayaa ka mid ahaa Ergadii 17-kii bishii February Magaalada Dhuusamareeb ku soo dooratay Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, dhawaana loo magacaabay xilka Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA).

Warsame Aw Ismaaciil ayaa muddooyinkii ugu dambeysay madax ka ahaa kaalinta shidaalka Som Oil ee Isgoyska KM4.

Ma cadda cidda dishay marxuumka, waxaase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Ururka Al Shabaab, oo in muddo ahba beegsaneysay Ergada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com