Ciidamada Dowladda ayaa maanta darawal mooto bajaaj ku dilay Magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay bar kontorool oo Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin aagga Isbitaal Digfeer ee Degmada Hodan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in marxuumka ay haleeshay rasaas ay furayn Ciidamada Dowladda ee Check Pointiga ku leh halkaasi.
Marxuumka oo nin dhallinyaro ahaa ayaa lagu magacaabi jiray Aanas Yuusuf Maxamed.
Maamulka Degmada Hodan iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaan weli ka hadlin dilkan ugu dambeeyay ee ka dhacay degmadaasi.
Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya dilalka ay Ciidamada Dowladda ugu gaysanayaan dhallinyarada ku shaqeysata mooto bajaajta, waxaana naadir ah in gacanta lagu soo dhigo askarta dilalkaasi gaysata.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com