Ruushka oo Magaalada Kharkiv ku garaacay hubka halista badan ee Cluster

Ciidamada Militariga Ruushka ayaa Magaalada Kharkiv ee dalka Ukraine ku garaacay hubka dunida laga mamnuucay ee Cluster.

Kharkiv oo ah magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ayaa la sheegay in Ciidamada Ruushka ay si aan kala sooc lahayn ugu garaaceen bambooyinka wax gumaada ee Cluster.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay inay heshay caddeymo muujinaya in Ciidamada Ruushka ay si aan kala joogsi lahayn magaaladaasi ugu adeegsadeen bambaanooyinka Cluster, kuwooda saamaynta badan leh.

Warbaahinta dunida ayaa booqatay illaa shan goobood oo ku yaala xaafadaha la degan yahay, oo laga arki karay saamaynta uu ku yeeshay hubkaasi.

Mark Hiznay oo xubin ka ah qaybta cilmi baarista hubka ee Hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegay inay iska caddahay in saamayntaasi ka dhalatay hubka Cluster.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy ayaa codsaday in dowladdiisa loogu deeqo nidaamka gantaalada difaaca ee Israel.

Madaxweynaha ayaa sheegay in gantaaladan casriga ah uu dalkiisa ka caawinayo inuu ka hortaggo weerarada Ruushka.

Madaxweyne Zelenskyy ayaa tilmaamay in sidoo kale ay Kiev u baahan tahay qalabka kale Mareykanku farsameeyo ee American patriot batteries.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com