Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay xubno uu ugu sarreeyay Madaxweyne Kuxigeenka 2aad Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere).

Wafdiga Madaxweynaha ayaa tan iyo 7-dii bishan ku sugnaa Magaalada Muqdisho, iyadoona uu Madaxweynuhu kaga qaybgalay munaasabaddii caleema saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com