RW Rooble oo kormeeray dhismaha cusub ee Xarunta Xukuumadda (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray dhismaha cusub ee Xarunta Xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, oo heer geba-gabo ah maraya.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kormeeray qaybaha ay ka kooban tahay dhismaha xaruntan, oo ku taala Degmada Warta Nabadda.

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee la filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu soo magacabo iyo Golihiisa Wasiirada ayaa ku shaqayn doono xaruntan, oo qaab casri ahi loo dhisay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com