Xaaladdii ugu adkeyd oo ka jirta warshadda kiimikada ee Severodonetsk oo duqayn ku socoto

Ciidamada Ruushka ayaa duqayn xoogan ku haya warshadda kiimimada Azot ee Magaalada Severodonetsk, xilli ay ku go’doonsan yihiin boqolaal qof oo isugu jira rayid iyo askarba.

Gudoomiyaha Gobolka Luhansk, Serhiy Haidai ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay sii wadaan duqaynta ay ku hayaan warshadaasi, oo hoy u ah buu yiri boqolaal qof.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Ciidamada Ruushka ay isku ballaarinayaan magaaladaasi, isla-markaana ay dib uga saareen Ciidamadii Ukraine ee dagaalka kula jiray, marka laga soo taggo intooda lagu hareereeyay warshadda kiimikada.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in illaa shan boqol oo qof oo rayid ah ay ku xaniban yihiin warshadaasi, xilli ciidamadooda ay isku dayayaan in si nabdoon ay magaalada uga saaraan.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in dhammaanba buundooyinkii magaalada soo gelayay la burburiyay, taasoo ciirsi la’aan ku noqoneysa ciidamada iyo dadka rayidka ah ee lagu go’doomiyay dhismaha warshadaasi.

Saraakiisha Bariga Ukraine ayaa sheegaya inay weli jirto dhabo kale oo magaalada lagaga bixi karo, inkastoo uu burbur weyn jiro.

Eduard Basurin, Afhayeenka kooxaha gooni-goosadka ee Ruushku taageero ayaa sheegay in wadiiqada keliya ee Ciidamada Ukraine u furan ay tahay inay isa soo dhiibaan amaba inay dhintaan.

Damien Magrou oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Ukraine ee aaggaasi ayaa sheegay in xaaladda Severodonetsk ay halis ugu jirto inay noqoto, sida Magaalada Mariupol oo kale.

Ruushka ayaa bartamihii bishii May soo afjaray Ciidamadii Ukraine ee ka dagaalamayay warshadda birta Azovstal ee Magaalada Mariupol, ka dib markii ciidamadaasi lagu khasbay inay isa soo dhiibaan.

Ciidamada Ruushka oo go’doomin iyo duqayn joogta ahba ku hayay ciidamadii gabaadka ka dhiganayay warshadda Azovstal ayaa waxay taasi khasab kaga dhigtay inay isa soo dhiibaan. Moscow ayaana xilligaasi sheegtay inay isu soo dhiibeen ku dhawaad kun askari.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com