Hay’adda HSF oo 10 xabo oo incubator ugu deeqday Isbitaalka Banaadir (SAWIRRO)

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir ugu deeqday 10 xabo oo sariiraha dhalada ah ee lagu koriyo carruurta aan billaha dhameysan.

Munaasabadda hay’addu ku wareejineysay sariiraha ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Maamulka Isbitaalka Banaadir, madax ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Somaliya iyo Madaxda Hay’adda Hormuud Salaam Foundation.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa sheegay in qalabkan ka kooban sariiraha dhalada ah ay keeneen isbitaalka iyaga oo ka jawaabaya codsi horey uga yimid Maamulka Isbitaalka Banaadir, isaga oo xusay in qalabkan ay dalka dibadiisa ka soo iibiyeen.

Agaasimaha Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka ee Banaadir, Fartuun Shariif oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in qalabka ay Hormuud Salaam Foundation ugu deeqday isbitaalka wax weyn ay ka tari doonto baahidii ay u qabeen, iyadoona uga mahadcelisay Maamulka iyo Shaqaalaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation.

Drs Ubax Faarax Axmed, Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimadka ayaa dhankeeda ka mahadcelisay qalabkan ay Hormuud Salaam Foundation keentay Isbitaalka Banaadir, waxayna tilmaamay inay tani tahay tallaabo mudan in lagu daydo.

Agaasimaha Maamulka & Maaliyada ee Wasaaradda Cafimaadka, Cabdullaahi Salaad Xuseen ayaa ku ammaanay kaalinta Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay ka qaadaneyso horumarinta isbitaalka.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa dhawaan lagu wadaa in Isbitaalka Banaadir ay geyso matoor dab dhaliye ah, kaasi oo hay’addu ay ka soo iibisay wadanka dibadiisa, waxaana hay’adda horey warshad dhalisa Oksajiinta ay geysay isbitaalka, xilli dalka uu si daran kaga jiray cudurka COVID-19, iyadoona oo qaybo ka mid ah isbitaalka dib u dayactir.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com