Madaxweynaha Somaliya oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka ee Somaliya, oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada muhiimka ah ee ay siiyaan Somaliya.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay xaaladda bani’aadanimo ee ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, isagoo xusay dadaalka iyo abaabulka gurmad ee dowladdu ay ku bixinayso la tacaalidda xaaladaasi adag, waxa uuna ka codsaday Beesha Caalamka in ay doorkooda ka qaataan samatabixinta dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga warbixiyay Wakiilada Beesha Caalamka muhiimadda safarkii uu dhawaan ku tagay qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada dalka, kaas oo ka tarjumaya dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta Soomaali heshiis ah iyo xoojinta wada-shaqeynta Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed.

Wakiilada Beesha Caalamka oo dhankooda bogaadiyay dadaalada dib-u-heshiisiinta iyo gurmadka abaaraha ayaa soo dhaweeyay qabsoomidda Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ku soo geba-gaboobay Villa Somaliya iyo warmurtiyeedkii ka soo baxay oo dhaqangelkiisu uu muhiim u yahay dowlad dhiska iyo horumarka dalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay kordhinayaan taageerada ay Dowladda Somaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan ammaanka, arrimaha bani’aadanimada, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladnimada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com