Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaarihiisa cusub, isagoona u magacaabay Xamse Cabdi Barre.
“Waxaan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya u magacaabay Mudane Xamse Cabdi Barre, oo garabkayga midigta ah taagan.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu Xamse Cabdi Barre u aqoonsaday shakhsiga ku haboon ee ka bixi kara sida uu yiri xilkaasi cusub.
“Waxaan go’aankan ku saleeyay, markaan eegay aqoonta, waaya-aragnimada iyo kartida aan ku aqaano Mudane Xamse ayaan u gartay in uu yahay qofka ku haboon oo ka bixi kara xilkaas cusub iyo Soomaalida cusub ee waayaha cusub ku jirto.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Xamse Cabdi Barre ayaa ahaa Gudoomiyihii Guddiga Doorashada Jubbaland ee doorashadii bishii August 2019 dib loogu soo doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com