Axmed Madoobe oo Golihiisa Wasiirada faray gudashada waajibaadkooda

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland, oo arrimo dhowr ah looga hadlay.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa toddobaadkan waxa Madaxweynaha Jubbaland uu uga warbixiyay golaha xaaladda amniga, is bedelka doorasho ee dalka ka dhacay, guud ahaan arrimaha siyaasadda iyo magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha cusub oo Alle uu uga baryay in uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu soo idlaaday ololihii doorashada ee muddada fog lagu soo jiray, waxa uuna Golaha Wasiirada faray in la dardargeliyo shaqooyinka hortebinta leh ee wasaaradaha, kuwaa oo ay ugu horreeyan hirgelinta Goleyaasha Deegaanka, magacaabidda degmooyin cusub iyo arrimo kale.

Kulanka qaybihiisi dambe ayaa waxaa warbixino looga dhageystay Wasiirada Wasaaradaha Amniga iyo Deegaanka & Dalxiiska.

Wasiirka Amniga Jubbaland, General Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa kulanka Golaha Wasiirada ka hor akhriyay warbixin la xiriirta xaalad amniga ee deegaanada Jubbaland.

Wasiirka Deegaanka & Dalxiiska Jubbaland, Caydiid Saleebaan Xaashi ayaa golaha uga warbixiyay tababaro kala duwan, oo ay wasaaradiisu siisay ergo isaga kala timid Magaalooyinka Afmadow, Ceelcadde iyo Guriceel. Tababarka ayaa ku aaddanaa dhibaatada ay leedahay jarista dhirta iyo xaalufinta deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com