Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Madaxweynaha Romania Klaus Iohannis, Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz iyo Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mario Draghi ayaa maanta booqasho ku tegay dalka ay dagaaladu la daggeen ee Ukraine.
Madaxdan ayaa u kuurgelayay xaaladda adag ee ka dhalatay weerarada afarta bilood jirsaday ee Ruushku ka wado dalkaasi.
Madaxda reer Yurub ayaa Caasimadda Kiev kula kulmay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, si ay garab istaag iyo taageeraba ugu muujiyaan.
Madaxdu waxay Hoggaamiyaha Ukraine u sheegeen in Yurub ay dadka reer Ukraine garab ku siineyso dagaalka ka dhanka ah Ruushka iyo sidii dadka reer Ukraine ay dalkooda uga difaaci lahaayeen Moscow.
Intii madaxdu ku sugneyd Kiev ayaa waxaa magaalada laga maqlayay dhawaqa digniinaha, oo ka dhigan in magaaladu ay weerar wajahayso.
Hoggaamiyeyaashu waxay booqdeen magaalada caasimadda u dhow ee Irpin, halkaasoo ay ku soo arkayn raadadka dagaaladii xooganaa ee halkaasi ka dhacay bilowgii duulaanka Ruushka.
Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa Warbaahinta u sheegay in reer Yurub ay Ukraine soo gaarsiiyeen farriin la xiriirta, sida Reer Galbeedka ay uga mideysan yihiin taageerada iyo dadaalada ay Ukraine isaga caabineyso gulufka ku socda.
“Farriinta midnimada Yurub ee dadka reer Ukraine aan u dirayno, dhab ahaantii ayaa ah taageerada aanu u hayno. Waa taageerada hadda iyo midda mustaqbalkaba, sababtoo ah toddobaadyada soo socda sida aan ognahay waxay noqon doonaaan kuwo aad u adag.” Ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hoggaamiye-yaasha Reer Galbeedka ay sameynayaan wax kasta oo Ukraine ka caawinaya inay iska difaacdo duulaankaasi.
“Hoggaamiyeyaasha waxay sameynayaan wax walba, si Ukraine keligeed ay go’aan uga gaarto aayaheeda.” Ayuu yiri Macron.
Booqashadan ayaa imaaneysa maalin uun ka hor, xilliga Guddiga Midowga Yurub lagu wado in warbixin uu ka soo saaro taladiisa ku aaddan xaaladda dalkaasi iyo ku biiritaanka Ukraine ee Midowga Yurub.
Madaxweynaha Ukraine ayaa Madaxda Yurub ku cadaadinaya in la dedejiyo xubin rasmi ah oo dalkiisu ka noqdo Midowga Yurub.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com