Maxay ka dhigan tahay magacaabidda Ra’iisal Wasaare Barre?

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii waxa uu Xamse Cabdi Barre u magacaabay inuu noqdo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, kaas oo la fahamsan yahay inay isu aragti ka yihiin arrimaha siyaasadda dalka, sidoo kalena ay isku xisbi yihiin.

Ra’iisal Wasaaraha magacaaban ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, marka uu codka kalsoonida ka helo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi, Madaxa Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha ay ka dhigan tahay Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare isku xisbi ahaa oo wada arriminaya.

“Waxaan is leeyahay waxay ka dhigan tahay in Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare isku xisbi ahaa, ay hadda isla jooggaan, waana dimoqraadiyadda badanaa meelaha ay ka bilaabato ayaad is leedahay. Waaggii hore ee Somaliya dimoqraadiyadda ahaydna saas ayay ku bilaabatay.” Ayuu yiri Madaxa Machadka Heritage.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo BBC la hadlay ayaa yiri “Marka arrintaasi waa arrin cusub oo macna leh ah in Soomaalidu ay hadda xisbiyo u sii durkeyso, iyadoo weli la ilaalinayo isku dheelitirka guud ee miisaanka ee bulshada dhexdeeda, haddana dadka siday isku aragti u yihiin inay isku raacayaan waxaan is leeyahay waa horumar dhinacaasi.”

Prof. Afyare Cabdi ayaa ku waramaya in Ra’iisal Wasaaraha cusub iyo guud ahaan dowladduba ay horyaallaan arrimo waaweyn, oo ay ugu muhiimsan yihiin wax ka qabashada abaaraha, amniga, dhaqaalada darida dalka iyo dhismaha dowlad ay dadku wada leeyihiin.

“Dowladda oo dhan, Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Xildhibaanada hadda jooggo kuligooda waxaa horyaala arrimo waaweyn, oo ay ugu horreyso abaarta hadda taagan, amniga, dhaqaale darida iyo guud ahaan dhismaha dowlad ay dadka isla leeyihiin & hay’ado dimoqraadi ah.” Ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

Ra’iisal Wasaare Barre ayaa la filayaa in codka kalsoonida uu ka helo Xildhibaanada Baarlamaanka, marka uu dhawaan hortaggo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com