Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Waloore) oo lagu dilay Waqooyiga Gaalkacyo

Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Waloore) oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobolka Mudug ayaa caawa lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Kooxo hubeysan ayaa nabadoonka ku dilay xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo, xilli uu ka soo baxay Masaajidka Macmuur oo Salaaddii Cishaha uu ku soo tukaday.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxahaasi ay ka baxsadeen goobta, ka hor intii aanay gaarin ciidamada amniga.

Bishii August ee sanadkii 2011 waxaa Masaajidkan lagu dilay aabihii Nabadoon Xasan Xuseen Aw Maxamed (Waloore).

Nabadoonka caawa la dilay ayaa ka mid ahaa Waxgaradka Gobolka Mudug ee dhexda u xirtay xasillinta iyo masaalixda Magaalada Gaalkacyo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com