Ra’iisal Wasaaraha cusub oo la kulmay Guddoonka Golaha Shacabka

Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku booqday Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Kulanka oo goojoob uu ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ahaa salaan iyo is barasho la xiriira magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa Ra’iisal Wasaare Barre u sheegay in looga baahan yahay dadaal dheer, si dalka looga samata-bixiyo xaaladaha uu wajahayo.

“Gudoomiye Aadan Madoobe oo ka guddoomay salaanta ayaa u sheegay in dadaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira, sida abaaraha, ka dib marka uu helo codka kalsoonida ee Baarlamaanka.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulankan ayay dadka qaarkii u fasirteen mid uu Ra’iisal Wasaaruhu ugu gogol-xaarayo, sidii uu codka kalsoonida uga heli lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com