Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Cabdi, Duqa Magaalada Dhuusamareeb, Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow) iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo shalay lagu laayay maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab.
Masuuliyiintan ayaa dadka deegaanka iyo ciidamadii u gurmadayba waxa ay gaarsiiyeen raashiin iyo dhowr neef oo geela ah.
Tani ayay ku sheegeen mid ay ku dhiirigelinayaan dadka deegaanka, oo Jimcihii si weyn isaga caabiyay weerarkii abaabulnaa ee Shabaabku ku soo qaadeen.
Illaa soddon qof oo u badan Shabaabkii weerarka soo qaaday ayaa ku dhintay dagaalka.
Maamulka Baxdo iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa goob fagaare ah ku soo bandhigay meydadka Shabaabkii lagu dilay dagaalka. Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen nin waday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, balse aan qarxin.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com