Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa war ka soo saartay cabashada ay shirkadaha diyaaradaha ka muujiyeen badqabka garoomada dalka qaarkood.
Hay’adda ayaa sheegtay inay ka masuul tahay badqabka dhammaanba duulimaadyada iyo garoomada dalka, iyadoo dhanka kalena sheegtay inaanay jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah.
Warka hay’adda ayaa u qornaa:-
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxay masuul ka tahay badqabka dhammaan duulimaadyada iyo garoomada dalka, iyadoo ka duuleysa qaanuunada caalamiga ah (ICAO) iyo kuwa dalkaba (SOMCARS).
HDRS waxa ay halkan ku caddeynaysaa in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah.
Hay’addu waxba kama oga warqadda lagu baahiyay barraha bulshada, ayna sumadeedunu tahay Ref: AOA/008/6/2022, kuna taariikhaysan 18th June, 2022 Iyo khatarta ay ka hadleyso.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com