Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka ka qaaday laba ka mid ah Golihiisa Wasiirada, ka dib wareegto caawa ka soo baxday Madaxtooyada Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha,Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Dastuurka, Khadar Xasan Maxamed.
Xil ka qaadista Wasiirada ayaa lagu sheegay “Markuu arkay xil gudasho la’aanta shaqo ee ku aaddan masuuliyadda loo igmaday. Markuu arkay in ay lagama maarmaan tahay in laga qaado xilka Wasiirnimada.”
Wareegtada laguma sheegin cid kale oo Madaxweynaha uu u magacaabay xilalkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com