Madaxweynaha Ukraine oo booqday furinta hore ee Magaalada Mykolaiv (SAWIRRO)

Madaxweynaha Ukraine ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tegay Magaalada Mykolaiv, tan iyo intii uu bilowday duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalkaasi.

Volodymyr Zelenskyy ayaa Magaalada Koonfurta Ukraine ku taalo kula kulmay Saraakiisha Ciidamadiisa ee dagaalka kala horjeeda Milirariga Ruushka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday ciidamada ku sugan furinta hore ee koonfureed.

Madaxweynaha oo la hadlayay ciidamada ku sugan jiidda hore ayaa kula dardaarmay inay cadaawaha ka jiraan dalkooda, haddii uu yahay waxa keliya ee ay haystaan, sida uu yiri.

Madaxtooyada Ukraine ayaa maanta barraha bulshada ku faafisay muuqaal uu ka soo muuqday Madaxweyne Zelenskyy oo kormeeraya dhisme la degan yahay oo si ba’an ugu burburay dagaalka.

Mykolaiv ayaa ka mid ah magaalooyinka uu burburka xoogan ka soo gaaray weerarada joogtada ah ee Ciidamada Ruushku ka wadaan dalkaasi, waana mid qayb ka ah qorshaha xasillinta Ruushka ee magaalooyinka dhaca Xeebaha Badda Madow, inkastoo Ruushka uu bishii March gulufkiisa u weeciyay dhanka gobolada bari ee dalkaasi.

In ka badan saddex iyo toban milyan oo qof ayaa ka cararay guryahooda, muddada afarta bilood ku dhow ee dagaalku ka socday dalkaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com