Rooble oo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, oo maanta si rasmi ah uga bilowday inta badan gobolada dalka.

Imtixaankan oo ay u fariisteen arday tiradoodu gaareysa 35,000 (Soddon iyo shan kun) oo arday ayuu Ra’iisal Wasaaruhu ka daahfuray Magaalada Muqdisho, waxaana uu ardayda imtixaanka gelaysa, bahda waxbarashada iyo cid kasta oo imtixaanka gacanta ku haysaba kula dardaarmay inay u hoggaansamaan shuruucda imtixaanka oo waqti badan la geliyay.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa si gaar ah ula dardaarmay ardayda inuu mustaqbalkoodu gacantooda ku jiro, loogana baahan yahay inay maanta sii diyaarsadaan sida uu mustaqbalkoodu u ekaan doono iyo kaalinta ay nolosha ka geli doonaan, waxa uuna ardayda u rajeeyay guul iyo in Eebbe u fududeeyo imtixaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com