Josep Borrell oo sheegay in la iibsan karo galeyda uu Ruushku dhoofiyo

Madaxa Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa maanta sheegay in xayiraadaha lagu soo saaray dalka Ruushka, aanay saamayn doonin galeyda uu dalkaasi dhoofiyo.

Josep Borrell ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu gaystay dembi dagaal, haddii uu xayiraad saaray Dekedaha Ukraine ee dhaca Xeebaha Badda Madow oo muhiim u ahaa sahayda cuntada adduunka, isagoona ugu baaqay in uu xayiraadaasi qaado,

Waxa uu shirkadaha ganacsiga ku wargeliyay inay iibsan karaan galeyda Ruushka, tani oo wax ka tari karta cunno yarida soo food saartay dunida, ka dib duulaanka Ruushka ee Ukraine.

“Shirkadaha ganacsiga waa inay ogaadaan in galeyda laga soo dhoofiyo Ruushka aanay cunaqabateyntu saameynayn, marka waa ay shaqayn karaan, galeydana waa ay iibsan karaan.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Waxa kaloo uu yiri “Dhibaatada keliya ayaa ah in Ruushka uu xanibay suuq-gaynta galeyda ee Ukraine laga soo saaro. Mallaayiin tan oo qamadi ah ayaa ku xaniban Dekedaha Ukraine, iyadoo mallaayiin qof-na aysan cuni karin qamadiga, marka dagaalkani saamayn weyn ayuu ku yeellan doonnaa dunida.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Waxa uu intaasi ku daray “Waxaan ugu baaqaynaa Ruushka in xanibaadda ay ka qaadaan galeyda iyo qamadiga, isla-markaana ay ogolaadaan in dekedaha laga dhoofiyo badeecooyinkan.”

Horaan, Moscow ayaa Reer Galbeedka ku eedeysay in cunaqabateynta ay ku soo rogayn ay sabab u tahay dhibaatada sahayda cuntada adduunka, ee ay dalal badani wajahayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com