Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay ehelada shakhsiyaad ku eedeysan inay dil ka gaysteen gobolkaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Axmed Xuseen Shire (Bukhaari) ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 10 qof, oo ka mid ah ehelada dadka ku eedeysan dilkaasi, oo dhawaan ka dhacay deegaanka Bandiiradley.
Tallaabada lagu soo qabqabtay dadkaasi ayaa ka dambeysay, ka dib markii ay baxsadeen raggii dilkaasi gaystay, sida uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Gudoomiyaha oo isagu horkacayay hawlgalka lagu soo qabtay 10-kaasi ruux ayaa ku goodiyay inaanan laga hari doonin cid kasta oo ku lug leh falkaasi.
Gudoomiye Bukhaari ayaa dadka deegaanka iyo kuwa gobolkaba ka codsaday in maamulka lagala shaqeeyo, sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa dembiileyaasha.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com