Madaxweyne Vučić oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Somaliya ee Serbia (SAWIRRO)

Madaxweynaha dalka Serbia, Aleksandar Vučić ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Somaliya ee dalkaasi, Danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed.

Danjiraha ayaa Madaxweyne Vučić la wadaagay dhambaal salaan ah, oo uu uga waday dhiggiisa Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Vučić ayaa bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, sida ay ku warantay Warbaahinta Dowladda.

“Somaliya iyo Serbia waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen oo taariikhi ah, soona bilowday 1961-kii.” Ayaa lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Safaaradda ee Twitter-ka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com