Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlay weerar lagu dilay in ka badan 100 qof

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka hadlay weerar lagu dilay in ka badan 100 ruux, oo Sabtifii ka dhacay Gobolka Oromada ee dalkaasi.

Dadkan oo u badan Qowmiyadda Amxaarada ayaa lagu dilay weerar lagu eedeeyay inay gaysteen Jabhadda Oromada ee OLA, waana weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee dhawaan ka dhaca dalkaasi, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha qowmiyadeed ee weli ka socda dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan.

Abdul-Seid Tahir oo ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Gimbi ayaa Wakaaladda Wararka ee AP u sheegay “Waxaan tiriyay 230 meyd, waxaana ka baqayaa in kani uu yahay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhanka ah dadka rayidka ah ee aan aragno, inta aan noolahay.”

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa weerarka ka dhacay galbeedka dalkaasi ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, isaga oo intaasi ku daray in maamulkiisu aanu u dulqaadan doonin isku dhacyada hubeysan ee dadka rayidka.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dowladdiisu ay ahmiyad gaar ah siin doonto dib u soo celinta nabadda iyo ammaanka.

Afhayeenka Jabhadda Xoreynta ee dadka Oromada, Odaa Tarbii ayaa beeniyay in jabhadoodu ka dambeyso weerarkaasi, isagoona eedda dusha kaga tuuray dowladda.

Abiy Ahmed, Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa inuu ku guuldareystay wax ka qabashada amni darrada ka sii dareysa ee guud ahaan dalkaasi, waxaana sare u kacay rabshadaha beeleed iyo isku dhacyada qowmiyadeed, tan iyo markii uu xafiiska qabtay, afarta sano horteed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com