Ruushka oo dib u soo cusbooneysiiyay duqayntii Magaalada Odessa

Ciidamada Ruushka ayaa maanta dib u soo cusbooneysiiyay duqayntii Magaalada Badda Madow ku taala ee Odessa, maalin uun ka dib, markii uu booqasho ku tegay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.

Maraakiibta dagaalka ee Ruushka ayaa garaacay goobo ku yaala magaaladaasi, lamana sheegin cid wax ku noqotay duqayntaasi.

Maamulka Odessa ee Ukraine ayaa bartooda Telegram-ka ku sheegay in gantaalada kaga soo dhaceen dhanka badda.

“Weerar gantaalo ah ayaa lagu soo qaaday magaaladayada, oo na looga soo tuuray dhinaca badda.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.

Magaalada Dekedda leh ee Odessa ayaa ku taala Koonfurta Ukraine, waxaana uu hujuumka Ruushku ka yaraaday, markii Moscow ay duulaankeeda u weecisay dhanka gobolada bariga ee dalkaasi.

Dhanka kale Xoogaga gooni-goosadka ee Ruushku taageero ayaa sheegtay in ay maanta la wareegeen deegaanka bariga dalkaasi ku yaala ee Toshkivka. Toshkivka ayaa 27km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada ay dagaaladu la daggeen ee Severodonetsk.

Madaxweyne Zelenskiy ayaa sheegay in Moscow ay kordhin doonto weeraradeeda, ka hor shir madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ee la filayo in ay ku soo dhaweeyaan isku dayga Ukraine ee ka mid noqoshadeeda Midowga Yurub.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com