Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay la wareegeen Maamulka Isbitaalka Guud ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in isbitaalkaasi la geeyay dhaawacyada tobaneeyo ka mida maleeshiyada Al Shabaab, kuwaa oo ku dhaawacmay weerarkii ay ku jabeen, ee ay Jimichii ku qaadeen deegaanka Baxdo ee gobolkaasi.
Maamulka Shabaabka ee degmadaasi ka arrimiya ayaa la sheegay inay amrayn in bukaanada laga saaro isbitaalka, isla-markaana ay dadka deegaanka ku wargeliyeen inaanan isbitaalkaasi laga soo ag-dhawaan karin.
Isbitaalkan ayaa dhawaan dib loogu hawlgeliyay olole isku tashi, oo ay sameeyeen Jaaliyadda reer Ceelbuur ee dalka dibadiisa ku dhaqan, ka dib muddo sanado ah oo uu xirnaa.
Isbitaalka Guud ee Degmada Ceelbuur oo dib loo furay 28-kii bishii hore ee May ayaa dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay shaqeynayay habeen iyo maalin, waxaana loo dhameystiray shaybaarka, farmashiga, kalkaaliyeyaal iyo gaari ambulance oo heegan ah, oo bukaanada ka soo qaada degmada iyo deegaanada ku xeeran.
4-tii bishan hooyo ugub ah ayaa ilmihii ugu horreeyay ku umushay isbitaalkaasi, tan iyo intii dib loo hawlgeliyay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com