Golaha Aqalka Sare oo meelmariyay xubnaha ku metelaya Guddiga Dastuurka

Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta ansixiyay Xubnaha Golaha Aqalka Sare ku metelaya Guddiga dib u eegista & la socodka hirgelinta Dastuurka.

Senatorada Aqalka Sare ayaa qaab gacantaag ah ku meelmariyay xubnahan oo ka kooban shan xubnood oo dhammaantood rag ah.

Magacyada Xubnaha Aqalka Sare ku metelaya guddigaasi ayaa kala ah:-

1. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid)
2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto)
3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
4. Senator Saalax Axmed Jaamac
5. Senator Xasan Xuseen Xaaji

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com